WARGEYSKA JAMHUURIYA - MAALINLE KA SOO BAXA HARGEISA, SOMALILAND
Home

Somaliland

Geeska Afrika

Caalamka

Ciyaaraha

Dhaqaalaha

Waxbarashada

Faallo

Opinion and Articles

Interviews

Faanka iyo Suugaanta

Ogeysiis

Hambalyo

Tacsi

The Republican

Advertisement

Contact Us

Doorashada Wakiilada

 

Hay’adaha Ammaanka Maraykanka oo Baadhitaanno Xoog leh ku Bilaabay Qoysaska Soomaalida ee Looga Shakisan Yahay Qaraxyadii Hargeysa

London (Financial Times/Jam)- Wergeyska Financial Times ee ka soo baxa magaalada London ee carriga Ingiriiska, ayaa cadadkii shalay daabacay war uu ku sheegay in hay’adaha ammaanka ee Maraykanku bilaabeen baadhitaanno qoto dheer oo ay ka hayaan qoysas Soomaali ah deggan dalkaas oo carruurtoodii ka maqnaayeen in muddo ah, kuwaas oo looga shaki qabo in ku biireen kooxaha argagixisada ee ka jira Soomaaliya.

Hay’adda baadhitaannada qaranka Maraykanka ee loo yaqaan FBI-da, ayaa wergeysku sheegay inay baadhitaanno aad u ballaadhan ku wadaan qoysaska xubno looga shaki qabo inay ka mid ahaayeen argagixisadii dhawaan weerarrada ismiidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanay FBI-du xaqiijisay in mid ka mid ah raggii falkaas fuliyey uu haystay dhalashada dalka Maraykanka, deganaana Gobolka Mennisota.

Financial Times oo xiganayey saraakiil ka tirsan FBI-da, ayaa sheegay in baadhitaannada lagu bilaabay imaamyada masaajidada Soomaalida ee Maraykanka, iyagoo wax laga weydiinayo labataneeyo dhallinyaro ah oo wakhtiyadii ugu danbaysay la waayey meel ay jiraan, kuwaasoo looga shaki qabo in xubno ka tirsan imaamyada masaajidadu ku dhiirrigeliyeen inay soo fuliyaan falal argagixiso, balse wergeysku wuxuu sheegay in FBI-du ka gaabsatay inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan baadhitaannada ay wadaan.

Xubno ka tirsan qoysaska Soomaalida ah ee degan Maraykanka oo wargeyska Financial Times wax ka weydiiyey xaaladda dhallinyarada la la’yahay, ayaa sheegay inay uga cabsi qabaan in ku biireen ururka Al-shabaab oo xidhiidh la leh shabakadda Al-qaacida, isla markaana ka tirsan yihiin kooxaha dagaalka kula jira ciidammada Ethiopia iyo kuwa Midowga Afrika ee ku sugan dalka Soomaaliya.



Jamhuuriya Online

Printable version     Email this to a friend




 

Ra'yi / Opinions
Madaxweyne; Waxaad Dhistay Xukuumad ka Kooban QARAN iyo Qurba-joog
28/07/2010 -
Aragtida Beesha Toljecle ee Golaha Wasiirada Madaxweyne Siilaanyo soo Dhisay
28/07/2010 -
Beesha Bariga Sanaag oo Hambalyeysay Xukuukada Cusub ee Axmed Siilaanyo
28/07/2010 -
Goormaa Kuugu Dambeysay A.A Geeljire iyo Maqaalkiisi Daljire?
28/07/2010 -
Tallo Bixin ku Socota Dawlada Cusub
28/07/2010 -
Ogaysiis: Xaflada London ee xuska doorashooyinkii ka dhacay JSL 26-kii June
28/07/2010 -
Waddada Hormarta Madaxtoooyada oo Markii ugu Horreysay Loo Sameeyey Laambado Laydh, Lagana Asturay Bilic Xumo ku Xeernayd
28/07/2010 -
Warqad Furan: Waxay Indho Arkan Bay Ilko Gooyaan!
28/07/2010 - Faysal Ismaciil Barre (Toosh), Hargeysa.
Bayaankii Tolka ee Gatineau
28/07/2010 -
Yaan la Dayicin Doorka Dumarku ku Leeyihiin Dawladda Cusub
28/07/2010 -
Madaxweyne; Waa Wakhtigii Shacabka Dayaxa la Geyn Lahaa!
28/07/2010 -
Murashaxii (Kulmiye)ee loo codeyey oo u codeeyey Murashaxii (UDUB)
28/07/2010 -
 
 
 

 

Jamhuuriya Online Edition - All rights reserved © 2002