Hargeysa (Jam)- Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dadweynaha Somaliland u xambaariyey masuuliyadda khaladaadka iyo dambiyada ay dalka ka gashay xukuumadda Madaxweyne Rayaale, taas oo uu ku tilmaamay in iyagu codkooda ku doorteen.
Muuse Biixi waxa uu sidaa ka sheegay khudbad dheer oo uu shalay ka jeediyey xaflad ka dhacday hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa oo ay heshiis iskaashi ku kala saxeexdeen xisbiga KULMIYE iyo urur-siyaasadeedka QARAN, waxaana uu intaa ku daray in shacabku ka fikiraan cidda ay dooranayan, isla markaana iska hubsadaan ka hor inta aanay codkooda siin.
Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si qoto ka xog-warramay khilaafaadka dadka dhexmara oo uu ku sheegay in uu yahay wax aan laga maarmi karin oo sidiisaba la nool bani’aadamka, isaga oo xusay in khilaafku uu marba meel galo, haddii ay tahay qoyska wada nool, shirkadaha ganacsiga iyo siyaasaddaba.
Waxaanna uu tilmaamay in khilaafaadka siyaasadeed ee dunida ka dhacaa uu yahay ka inta badan saamaynta ku reeba bulshada, isaga oo arrintaana ku sababeeyey in siyaasaddu tahay meesha laga hego dunida oo saamaynteeda yeelata, haddii khilaaf ka dhex dillaacayo, waxaannu intaa ku daray in khilaafaadku uu ka qayb yahay horumarka, iyada oo uu ka soo dhex baxayo xal lagu gaadhi karo horumarka buuxa, balse waxa uu sheegay in khilaafku uu burbur ku keeni karo bulshada marka uu faraha ka baxo ee wax xal ah lagu dhammayn waayo.
Waxa kale oo uu si qoto dheer uga sheekeeyey khilaafkii xisbiga KULMIYE ka dhex dilaacay muddadii lagu jiray tartanka siyaasadeed ee xisbiga dhexdiisa, arrintaas oo uu ku tilmaamay inay ahayd dimoqraadiyad buuxda oo ka hano-qaaday xisbiga dhexdiisa, waxaanna uu sheegay inay weli jiraan xisbiyo aan shirweyne qabsan, kuwaas oo uu ula jeeday UCID iyo UDUB.
“Xisbiyada waxa loo furtaa oo loo samayaa inay soo ururiyaan muranka oo meel isugu keenaan aragtiyo kooxo badan oo bulshada ka mid ah, haddii xisbigu taas ururin waayo oo uu noqdo meel rayi qudha ama qof figradii ka socoto waxa uu noqonayaa mid lagu jabo.
In badan waxa saxaafaddu buunbuunisay KULMIYE ayaa is-haysta, waxa jira wax ragga qaarkii cay u haysto oo badh ahaanna u haystaan, waxa jira xisbiyo dalka ka furan, KULMIYE-na waa xisbiga qudha ee murmay ee tartamay ee dadku daawanayey rayigiisa iyo waxa ay isku khilaafsan yihiin, KULMIYUU ahaa.
Markaa waxan leeyahay KULMIYE waxa uu noqonayaa haddii xukunka ay shicibku u igmadaan dawlad aan dadkeeda warka ka qarsan, talladana la seexan mayno ee ay ka arkaan waxay wado doodeeda iyo shaqadeeda oo inta aannu dadku dhaliilin iyadu is dhaliishaa.
Waxa jira xisbiyo aan wai shir qabsan oo laba celi ku wada hadal oo aan la hadal hayn, dadkuna ku ammaanayaan, nasiib-darro kula yaabimayno ninka sidaa u arkaa wa figradiisa, dadkuna waa xor, taasina waxaan u arkaa gef iyo waxa dalka lagu jainayo,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Waxa kale oo uu Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE ka hadlay doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan horraanta sannadka soo socda ee 2009, isagoo sheegay in dimoqraadiyaddu dadweynaha gacanta u gelisay inay doortaan madaxda mustaqbalka xukumi doonta.
“Dimoqraadiyaddu waa in dalku horumaro, in la helo madax wanaagsan, in caafimaad la helo in shaqo la helo, in waxbarasho la helo, waxay go’aankaa gacanta u gelisay dadweynaha Somaliland, waxa ka jirta dimoqraadiyad, mudaynu qabsanay kolba madax baynu dooranaa, muddadaana waxa awoodda iyo go’aanka cidda wax inoo qabanaysa soo saaraysana waxa leh shacbiga iyo muwaadinka, waxa la yidhaahdaa dhulku kuma dafiro oo waxaad ku beerato ayuun buu soo saaraa, haddaad tiin beerato ha filin inay rumaan iyo canab kuu soo baxaan, shacbigu maalintuu codkiisa ku hayo gacantiisa hadduu tiin beerto yaanu caadil iyo wanaag filin.
In badan ayaa la yidhaahdaa dadka Somaliland waa shicib wanaagsan, anigaana u maragfuray in shacbigu yihiin dad wanaagsan oo dalkooda illaashada oo dawladooda u dulqaata si ay ictiraaf u helaan, laakiin laba arrin isma qabato madaxdaa xun iyo shacabkaa wanaagsan, waayo madaxda joogta ee kolba u talisaa iyagaa doortay mana jirto madax Somaliland xoog ku qabsataa, mana jiri doonto oo taa dhiig baynu ku qornay,” ayuu yidhi Muuse Biixi.
“Markaa waxa weeye haddii la yidhi muwaadinka Somalilandow adigu cidda nolosha kuu qaabaynasa soo saar, waynu u simannahay cirroole iyo carruur, reer miyi iyo reer magaal, haddii markaa awooddaa loo siman yahay Madaxweynaha, guddoomiye xisbi, geel-jiraha iyo beerwadaha, maxaynu u cannaanaynaa madaxda aynu soo saarnay ma marka hore ayeynaan iska hubsan, ma waxbaynaan garanayn, ma taladeenay cid kale inoo haysaa, su’aasha u baahan in Somaliland isweydiisaa waa ta muwaadinka Somaliland ko haddii awooddaa la siiyey waa in uu qaadi karaa masuuliyadda xilka la saaray, muwaadinka Somaliland ee waraaqda diiwaangelinta haysta ee berrito codaynayoow waxa ku saaran masuuliyaddii berrito qarankani ama ku jabi lahaa ama ku guuleysan lahaa, khaladka dhacana waxa weeyaan in shacabka badankiisu oo kuwa ugu mutacalimsan ee ugu muddakarsan iyo salaadiintu ugu horreeyaan in la yidhaadho innaga yaa innoogu jira iyo innagu yeynu dooranaynaa, wali ismaynaan waydiin ayaa wax ina taraya, laakiin dhammaanteen waxaynu wada qiraynaa haddii geella loo doonayo in awr lagu daro waxa inta badan lagumurmaa labadaa awr waa isku mid, laakiin midna waa ina Tooji midini waa inna Haybe oo awrkii hore ee dhalay ayaa xumaayoo hashiisuna ma caano badnaan doonto, awrku raraana geediga u adkaysan maayo, haddii Somaliland neef geella loo qoodh dayey ninkaad masiirkaaga u dhiibayso ee aad doonayso inuu qarankaaga ka taliyo miyaad u meel dayi wayday, mise waxa ka weyn nin af meel ah oo odhanaya innagu haddii aynu reer hebel nahay maanta hebel baynu codka siinaynaa, waayo ninkaas innaga wuu inoo wanaagsan yahay, Somaliland-na uma baahna Madaxweyne la doortay oo dan reer fuliyee, waxaynu u baahan nahay Madaxweyne danta guud ee qaranka eega oo mandaqadda dhibaatooyinka jira ka saara.
Laakiin, marka reer dhan oo toban kun oo qof ah uu nin qudhi tallaadoda u gooyo ee uu codkooda siiyo cid aanay garayn hadhowto madaxdaa ma cannaanan kartid, waayo adugi maad dooran, tobankiina kun ee reer hebelna maydaan dooran ee aw hebel ayaa doortay, aw hebelna laankuruusarna waa la siin, kharashna waa loo dhiibi, albaabkana horaa looga furi, inankiisana meel dhacdhacle ayaa la geyn, laakiin intiiniina kale caafimaad, shaqo iyo biyana helimaysaan. Markaa waxa loo baahan yahay doorashada inay dadku bartaan cidda u sharraxan ee wax u qaban karta,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Waxa kale oo uu ka hadlay weerarradii argagixiso ee 29 October 2008 ka dhacay Hargeysa, kuwaas oo uu ku tilmaamay qaar ay fuliyeen cadow feejigan oo Somaliland la dagaallamaya, “Waxaad moodaa inuu innala dagaalamay cadow fiiro dheer, deggan, wixiisa qorshaynaya oo doonaya inuu xididadda inoo siibo, qaran ahaanna waxaad moodaa in aynaan wali siday tahay u waajihin, qolada xukuumadda waa lagu garab taagan yahay iay nabadgelyada illaaliyaan.
Arrinta ammaankana adduunku laba hab ayuun buu u wajahaa in cadowga meel fog lagaga hortago oo haddaad gaadhayso gurigiisa iyo halka uu wax ka soo bilaabayo aad ugu tagto oo halkaa ku hayso si aad adigu u nabadgasho, taasna waxa isticmaala Maraykanka iyo Israa’iil oo cadowgooda waxay kula dagaallamaan dalal kale, haddii aad cadowga sugto oo halkaaga kuug yimaad wuu kaa adkaanayaa oo wuu ku burburinayaa, waanna ta innagu dhacday, laakiin xukuumadda dadkeeda ilaalinaysa ee cadowga ka horjoogta horta waa in ciidammadeeda muwaadiniintu ka nabadgalaan, hadday shacabku caayaan maxay cadow ka ilaalin?
Maalin dhoweyd nin xildhibaan ah oo ka tirsan Golaha Wakiillada oo aqoonsigii wata ayaa lagu garaacay kantarool; ma askarigaa dembiga iska leh; waxa iska leh dembigaas muwaadinka, waayo muwaadinku cid buu doortay, cid buu yidhi i hoggaami, ciddii uu doortay inanka askariga ah wixii loo doortay ma soo fartay oo ma bartay oo ma tidhi dadka ha dhibin ee cadowga ka ilaali, mise waxa lagu yidhi, haddaanay ahayn madaxda qofkii isoo eega nabar ku dhufo.
Dhacdada ku xigtaa waxay ahayd dugsigii sare ee Maxamuud Axmed Cali; nin xaaskiisii oo umul ah wada ayey askar horistaagtay oo joojiyeen; gaadhiga xagga dambe fur baa lagu yidhi, ma furayo ayuu yidhi, xabbad baa dhafoorka lagaga dhuftay oo lagu aasay; yaa dembigaa leh? Inanka ma la tababaray oo ma loo sheegay cidda uu dilayo iyo cidduu ilaalinayo? Ma laha Madaxweynuhu, ma laha taliyaha boolisku, waxa leh ummaddii dooratay ee xilka u dhiibatay.
Habeen dhowayd oo inan 17 jir ah gidaar cidla’ ah iska fadhiya oo aan mudaharaadin oo aan buuq gelin ayuu askari boolis ahi xabbad ku dhuftay oo halkii laga soo qaaday.
Muddo bil ka yar intaas oo dhan buu ciidankeennu marayaa, kiisaskiina waxa loo beddelayaa reero iyo qaraabo oo masuuliyadda waxa laga leexinayaa ciddii askarta soo dirtay.
Laba tusaale oo yaryar baan soo qaadanayaa; Hindiya qarax baa ka dhacay, wasiirkii, wasiir-ku-xigeenkii iyo taliyihii sirdoonkuba way iscasileen; waa dad damiir leh oo waxa dhacay ka damqanaya. Dalka Giriigga dhallinyaro ayaa mudaharaaday, inan ka mid ah ayuu boolisku dilay, dadkii baa ka dhiidhiyey oo yidhi sidee boolisku u dileen. Innaga [Somaliland] wiilkii gidaarka fadhiyey yaa isweydiiyey, khaladkaa waxa leh dadweynaha, waxa leh muwaadinka, waxaynu xalaalaynay haddii qofka kastamka loo dhiibo inuu lacagta cuno, hadduu boolis yahay inuu aniga i dilo. Maanta waxay ahayd dadkaa la laayey in lagula xisaabtamo oo maxkamad lagu soo taago Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Muuse Biixi Cabdi.