WARGEYSKA JAMHUURIYA - MAALINLE KA SOO BAXA HARGEISA, SOMALILAND
Home

Somaliland

Geeska Afrika

Caalamka

Ciyaaraha

Dhaqaalaha

Waxbarashada

Faallo

Opinion and Articles

Interviews

Faanka iyo Suugaanta

Ogeysiis

Hambalyo

Tacsi

The Republican

Advertisement

Contact Us

Doorashada Wakiilada

 

QARAN iyo KULMIYE oo Heshiis Rasmi ah ku Gaadhay in Wadajir Loogu Hawlgalo Sidii Axmed-Siilaanyo u Noqon Lahaa Madaxweynaha Somaliland

Farxaddii Siilaanyo, badheedhihii Gabboose iyo jewigii madasha saxeexa heshiiska

Hargeysa (Jam)- Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE iyo urur-siyaasadeedka QARAN, ayaa heshiis taariikhi ah ku gaadhay in ay si wadajir ah ugu qalab urursadaan siday ugu guulaysan laahaayeen doorashada madaxtooyada ee la filayo in dalka ka dhacdo horraanta sannadka 2009 ee foodda innagu soo haya.

Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey saxeexa heshiiska iskaashi ee ay ku midoobeen urur-siyaasadeedka QARAN iyo xisbiga KULMIYE oo lagu qabtay shalay hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay hoggaanka labada dhinac ee heshiiska wada gaadhay iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.

Munaasibadda oo madaxda labda dhinacba hadalo iyo khudbado ay kaga xogwaramaay ujeeddada iskaashigooda iyo sidii looga wada hawlgali lahaa in la qaado olole KULMIYE guul kaga gaadhi karo doorashoouinka soo socda, ayaa ugu horreyn waxa halkaa ka hadlay Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaannu yidhi; “Xaqa iyo baadilku markay tartamayaan way isla daalaa-dhacaan inta badanna waxa la legdaa xaqa, inta badan waxa lagu tuntaa oo loo xoog sheegtaa xaqa, baadilkaa firfircoon, irbado jinni baa ku mudan, lacagtana marka lagu daro, iyaduna irbadaha ku mudan bay ka mid tahay. Waxaan leeyahay markaa maanta xisbiga KULMIYE wuu u baahnaa waannu sugayey in maalin maalmaha ka mid ah uu ururka firfircoon ee QARAN soo gurmadaan, maadaama iyaguna waqtigoodii sugayaan, waanna gurmasho taariikhi ah.

QARAN markay arkeen in cidhiidhiga la galiyey xaqii oo fara baas lagu hayo ayey hanqalka la soo kaceen, waxay inna leeyihiin annagaa idin barbar taagan darbigii aad jiidhi waydeen, shayaadiintaan u ceel weydeen annagaa idinla furdaaminayna, waanna mahad Ilaahay waa guul aannu filaynay KULMIYE ahaan madax iyo minjoba waqtigii dagaalka ayaa soo dhawaaday naaquskii baa isgaraacaya, xaqiibaa qaylinaya.

Waxa fiican in walalaalaheen aynu si kash iyo laab ah u soo dhawayno, kana illaalino wixii cuqdad keenaya, heshiiska la qoraana waa kelmado la qoray, laakiin quluubtii baa isku timi, quluubtii baa heshiisay, dagaal baa la wada galayaa, ilaa dagaalkaas dhammaanayana cid-cid khaladkiisa u fiirsataa way innaga reebban tahay.”

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka QARAN Dr.Maxamed Cabdi Gabboose oo isna xafladdaa hadal kooban ka jeediyey, ayaa ka xogwarramay dareenkiisa ku wajahan heshiiska iskaashi ee ay la galeen KULMIYE, isaga oo sheegay inay tahay dedaalkii xisbiga KULMIYE u soo galay sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda siyaasiga ah ee laga xayiray, gaar ahaan waqtigii hoggaanka ururkoodu xabsiga Madhareera ku jiray.

Dr. Gabboose waxa uu intaa ku daray in QARAN iyo KULMIYE weligood hoosta heshiis ka ahaayeen, waxaannu carrabka ku dhuftay markii ay samaynayeen barnaamijka siyaasadeed ee ururkooda in Axmed Xaashi Oday iyo Maxamed Muuse Abees oo labaduba ka tirsan golaha dhexe ee KULMIYE ay kala qaybqaateen, isagoo sheegay in KULMIYE ku doorteen markay ka dareemeen sida ay ugu dabacsan yihiin hirgalinta arrimaha ka guuxaya calooshooda ee ah in fursad u helaan ka qaybgalka hawlaha siyaasadda iyo talada dalka, isla markaana oggolaadeen furashada ururo siyaasadeed haddii xisbigu talada dalka ku guulaysto doorashada Madaxtooyada ee soo socota.

“Axmed-Siilaanyo markii doorashada laga helay wejigiisa kamay muuqan bar madoobi, laakiin barta madoobi waxay ka muuqataa shacbiga oo iyaga oo murugoonaya leh yaa idinka dulqaada waxan aad doorateen. Axmedoow adiga oo darxumo, bacad iyo kaneeco u soo maray dalkan maan filayn in shacbigu kaa raaci doonaan Rayaale, laakiin taasi waa kufid iyo kicid, waxaanan maanta kuu ballanqaadayaa in aanu annaguna bacad iyo rafaaad u mari doono sidii aanu kursiga kuugu fadhiisin lahayn, ku seexo, kuna soo toos in aanad mar dambe shacbigaaga u marin doonin bar madaw oo ka murugoodaan,” ayuu yidhi Dr. Gabboose.

Waxa kale oo Guddoomiyaha QARAN caddeeyey in ay urur ahaan aad ula dhacsan yihiin siyaasadda xisbiga mucaaradika ah ee KULMIYE, taasina tahay ta soo jiidatay ee kaga doorteen xisbiyada kale ee dalka ka jira, waxaannu xusay in suurtogal tahay inay si toos ah ugu biiraan KULMIYE, xaataa haddii la furo ururrada siyaasadda, isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Xataa haddii dib loo furo tartanka ururrada ee dawladaha hoose waxaba laga yaabaa inaanu annagu KULMIYE ku biiro markasta.”

“Ujeeddadaa aanu KULMIYE ula galay heshiiskani maaha kursi-doon ee waxa weeye waar mayd-baa ina dulyaalee aan isu kaashano sidii aan isaga qaadi lahayn,” ayuu Dr. Gabboose hadalkiisa ku soo gunaanaday.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo munaasibadda saxeexa heshiiska midnimo ee dhexmaray xisbigiisa iyo ururka QARAN hadal kooban ka jeediyey, ayaa isaga oo ay wejigiisa ka muuqatay farxad badan iyo yididiilo muujinaysa rajada mustaqbalkiisa siyaasadeed waxa uu aad ugu mahadnaqay masuuliyiinta urur-siyaasadeedka QARAN ee la qaatay in KULMIYE lagala shaqeeyo sidii uu doorashooyinka soo socda ugu guulaysan lahaa, isla markaana meesha looga saari lahaa maamulka Madaxweyne Rayaale oo ku sifeeyeen mid fadhiid ah oo ummaddii dooratay ku hungowday.

Waxa kale oo Axmed-siilaanyo ka xog-warramay muhiimadda dimuqraadiyada iyo sida ay xisbigoodu ugu dhaqmeen isaga oo carabka ku dhuftay in aanay xisbiyada la tartamayaa aanay ilaa hadda jirin mid qabsaday shirweynihii ay ku soo saarayeen musharaxiinta uga qayb galaya doorashooyinka soo socda, kuwaasoo uu ugu horreeyo xisbiga talada haya ee UDUB.

Axmed-Siilanayo waxa uu sheegay inay ka xisbi ahaan weligood maanka ku hayeen in la furo ururo siyaasadeed oo saaxada kula tartama saddexda xisbi qaran ee dalka ka jira, si loo helo dimuqraadiyadda dhab ah oo dalka ka hirgasha, waxaannu shacbiga u ballanqaaday haddii xisbigiisu talada dalka ku guulaysto inay ilaalin doonaan sinnaanta iyo caddaaladda ummadda reer Somaliland u baahan yihiin, isagoo xusay in bisaylka dimuqraadiyadeed ee KULMIYE dhexdiisa ka dhalatay ku maamuli doonaan guud ahaanba qaranka Somaliland.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Jamaal Caydiid Ibraahim oo ka mid ah hoggaanka sare ee urur-siyaasadeedka QARAN, waxaannu xusay in sababta ururkoodu iskaashiga ula samaynayo xisbiga KULMIYE ay tahay iyagoo ku qancay, isla markaana maanka geliyey in KULMIYE yahay xisbiga qudha ee ka midho-dhalin kara himilada shacbiga Somaliland, kobcinna kara hannaanka dimoqraadiyadeed ee dalka.

Mr. Jamaal Caydiid waxa uu ka dayriyey xaaladda nabadgelyo ee dalku maanta ku sugan yahay, isagoo sheegay in xukuumadda Madaxweyne Rayaale sabab u noqotay in Somaliland dhinaca ammaanka kala mid noqoto Soomaaliyada burbursan ee colaaduhu aafeeyeen.

“Maanta in Somaliland xagga nabadgelyada kala mid noqoto Soomaaliyadii aynu ka soo go’nay waxa innoogu wacan xukuumaddeennii aynu dooranay. Nabadgelyadii waxay maraysaa in madaxweynihii waddadii gurigiisa hormaraysay xidho, madaxweyne-ku-xigeenkiina aqalkiisii mid kale ayuu ka hordhistay, ummaddii kale iyo shaqaalihii dhammaan meel ay kaga tageen iyo cid ku aamineen lama garanayo, ictiraafkiina waxa uu ku xidhan yahay nabadgelyada oo maanta lama hayo, waxaanuna is-nidhi malaha Ilaahay ayaa idiin maqane inta aan loo yeedhin waalidiinta carruurtoodii Xamar tageen waa in loo yeedho kuwa ay awlaadoodii badda ku dhinteen ee 16ka sannadood jaamacadaha iyo dugsiyada laga soo saaray ee lagu tabcay. Waa in Madaxweyne-ku-xigeenku waalidiintaas u yeedho oo weydiiyo waxa badaha ku tuuray carruurtoodii, xukuumadda ayey ahayd in ay ubadkooda shaqo u raadiso oo akhlaaqdooda iyo aqoontooda dhisto, ilmaha shaqo la’aan iyo maamul-xumo ka cararay in waalidkiisa loo yeedho ma aha. “Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu ciiddii ku khudbadeeyey waalidiinta carruurtoodii Xamar tageen ha noo yimaaddeen inta aanaan u yeedhin, waxaan xusuusin lahaa inuu ku daro oo u yeedho waalidiinta carruurtoodii badaha iyo qaxootiga ku dhinteen ee ka yaacay shaqo la’aanta iyo darxumada ku haysta dhulkoodii hooyo,” ayuu yidhi Jamaal Caydiid.

Waxa iyaguna halkaas kahadlay Baashe Cabdi Gaboobe, Maxamed Shugri oo ka tirsan ururka QARAN, Xusni Maxamed Warsame iyo Cabdilaahi Maxamed Axmed ooiyaguna ka tirsan garabyada haweenka iyo dhalinyarda KULMIYE, waayna dhammaantood si qoto dheer uga warameen baahiyaha wakhtigan keenay in KULMIYE iyo QARAN sameeyaan iskaashi ay dalka kaga badbaadinayaan dhibaatooyinka ka taagan dalka.

Ugu dambeyn, waxay masuuliyiinta KULMIYE iyo QARAN kala saxeexdeen heshiiska ay wada gaadheen ee ku saabsan iskaashiga ku damacsanyihiin sidii ay doorashooyinka soo socda ugu guulaysan lahaayeen oo uu munaasibaddaa ka akhriyey Xoghayaha Guud ee KULMIYE Mr. Maxamed Xasan (Keyse), waxa uu isagoo faahfaahsan u dhignaa sidan:

“Kadib markii xisbiga KULMIYE iyo urur-siyaasadeedka QARAN arkeen duruufaha adag ee siyaasadeed, nabadgelyo, dhaqaale iyo bulsho ee ku gedaaman dalka JAMHUURIYADDA SOMALILAND, guud ahaan dunida.

-Kadib markii labada dhinac ku wada qanceen in hoggaanka maanta dalka ka jiraa uu ummadda u horseeday dib-u-dhac dhinac kasta leh, isla markaana aanu lahayn karti iyo daacadnimo uu dalka kaga saaro xaaladdan cakiran.

-Kadib markii ay u muuqatay in si weyn loogu baahan yahay isbeddel siyaasadeed oo la yimaad barnaamij dalka hore loogu marinayo iyo qiyam toosan oo dib u soo noolayn kara rajada qarankan;

Waxay isla qaateen inay ka wada yeeshaan iskaashi, xoojinta hawlaha doorashada musharraxiinta Madaxtooyada ee xisbiga KULMIYE, kuna heshiiyeen qoddobaddan;

Xisbiga KULMIYE wuxuu ballanqaadayaa;

1.Inuu ka dhaqangelin doono JAMHUURIYADDA SOMALILAND furashada ururrada siyaasadeed, laga bilaabo tartanka doorashada dawladaha hoose ee ugu horreysa, iyada oo la waafajinayo xeerarka doorashooyinka qaranka, haddii KULMIYE ku guulaysto hoggaaminta dalka (2009).

2. In mabda’a furashada ururrada siyaasadeed uu ka mid noqdo rukumadda barnaamijka lagu gelayo doorashada Madaxtooyada ee xisbiga KULMIYE.

3. Si loo xoojiyo iskaashiga labada dhinac, xisbiga KULMIYE haddii uu doorashada ku guuleysto wuxuu dhisi doonaa dawlad cusub oo ay qeyb ka yihiin urur-siyaasadeedka QARAN.

Urur-siyaasadeedka QARAN wuxuu dhiniciisa ballanqaadayaa;

1. In uu si mug leh oo niyad-sami ku jirto ugu biirin doono cududdiisa iyo codkiisa musharraxiinta xisbiga KULMIYE ee doorashada Madaxtooyada, si looga midho-dhaliyo rajada isbeddel-doonka ee ummaddu u baahan tahay.

2. Urur-siyaasadeedka QARAN markuu si qoto dheer u qiimeeyey xaaladda siyaasadeed ee dalka JAMHUURIYADDA SOMALILAND, waxa uu ku qancay in maanta halka dalka lagu badbaadin karaa ay tahay xisbiga KULMIYE, sidaa darteed wuxuu ururka QARAN ugu baaqayaa taageerayaashiisa iyo ummad-weynta Somaliland in ay cududdooda iyo codkoodaba isugu geeyaan sidii uu u guulaysan lahaa xisbiga KULMIYE.”

Magacyada xubnaha KULMIYE u saxeexay:

1. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

2. Muuse Biixi Cabdi

3. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

4. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle

5. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)

6. Keyse Xasan

Magacyada ururka QARAN u saxeexay:

1. Maxamed Cabdi Gabboose

2. Maxamed Xaashi Cilmi

3. Jamaal Caydiid Ibraahim.



Jamhuuriya Online

Printable version     Email this to a friend




 

Ra'yi / Opinions
Madaxweyne; Waxaad Dhistay Xukuumad ka Kooban QARAN iyo Qurba-joog
28/07/2010 -
Aragtida Beesha Toljecle ee Golaha Wasiirada Madaxweyne Siilaanyo soo Dhisay
28/07/2010 -
Beesha Bariga Sanaag oo Hambalyeysay Xukuukada Cusub ee Axmed Siilaanyo
28/07/2010 -
Goormaa Kuugu Dambeysay A.A Geeljire iyo Maqaalkiisi Daljire?
28/07/2010 -
Tallo Bixin ku Socota Dawlada Cusub
28/07/2010 -
Ogaysiis: Xaflada London ee xuska doorashooyinkii ka dhacay JSL 26-kii June
28/07/2010 -
Waddada Hormarta Madaxtoooyada oo Markii ugu Horreysay Loo Sameeyey Laambado Laydh, Lagana Asturay Bilic Xumo ku Xeernayd
28/07/2010 -
Warqad Furan: Waxay Indho Arkan Bay Ilko Gooyaan!
28/07/2010 - Faysal Ismaciil Barre (Toosh), Hargeysa.
Bayaankii Tolka ee Gatineau
28/07/2010 -
Yaan la Dayicin Doorka Dumarku ku Leeyihiin Dawladda Cusub
28/07/2010 -
Madaxweyne; Waa Wakhtigii Shacabka Dayaxa la Geyn Lahaa!
28/07/2010 -
Murashaxii (Kulmiye)ee loo codeyey oo u codeeyey Murashaxii (UDUB)
28/07/2010 -
 
 
 

 

Jamhuuriya Online Edition - All rights reserved © 2002