Hargeysa (Jam)- Qaar ka mid ah madaxdhaqameedka, odayaasha, dhallinyarada iyo waxgaradka beesha Toljecle ee magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay aragtida ay ka qabaan qaab-dhismeedka xukuumadda cusub ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo soo dhisay.
Qoraal ay soo saaray oo ay arrintaasi ku faahfaahiyeena waxa uu u qornaa sidan;
“Sida ku cad Dastuurka Somaliland dhammaan muwaadiniinta Soomaaliland waxay xaq loo siman yahay u leeyihiin in ay ka wada qaybgalaan arrimaha siyaasadda iyo maamulka wadanka. Madaxweynaha cusub ee Somalilandna maalinitii shalay (Salaasadii) ee la dhaarinayay waxa uu balanqaaday in uu ummadda reer Soomaaliland uu ku eegi doono indho isku mid ah oo uu xaqiijindoono inuu ku dhaqo dadweynaha reer Soomaaliland sinnaan iyo Caddaaalad.
Balse waxa isweydiinle madaxweynuhu ma ka dhabeeyay dhaartii uu ku dhaartay inuu ummadda ku dhaqayo sinnaan iyo caddaalad? Beesha Axmed Sheekh Isaxaaq( TOLJECLE) waxa ay aaminsan tahay in marka aad eegto Golaha Wassirada ee uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay shalay (Arbacadii) ay baal marsantahay ballanqaadkii uu madax weynuhu balan qaaday kuna dhaartey in uu ummadda Sinaan iyo Caddaalad ku dhaqayo.
Waayo? Golaha wassirada ee Xukkummada KULMIYE ma aha mid ay ka muuqdaan dhammaan beelaha dalka degan.
Beesha Toljecle waxa ay ahayd beel u soo halgantay guusha Xisbga KULMIYE iyo Madaxweyne Sillaanyo; Waxayna Beesha TOLJECLE tahay beesha kaliya ee Xukuumaddii dhacday ee UDBUB ay u cadaadisay taageerada ay beeshu u haysay XISBIGA KUlMIYE dartii ugana nadiifisay dhammaan goleyaasha hogaamineed iyo goobaha shaqo ee dawladeed.
Haddaba Beesha TOLJECLE waxay aaminsantahay in kamanaaqshaha ay ka maqantahay Golaha wasiirada Cusub uu xadgudub iyo meel kadhacba ku yahay xuqqudii beesha ay u laha yd in ay kaqaybgasho maamulka iyo siyaasadda waddanka ee uu sida cad u qeexay Dastuurka Soomaaliland,.
Bayaankan waxa soo saaray:-
1. Suldaanka Guud ee Beesha Toljecle: Suldaan Axmed Daahir Muuse Cilmi
2. Cuqaasha Beesha
a) Cheif Caaqil Axmed Aw Ibraahin
b) Cheif Caaqil Cabdi Cumar Nuur
c) Cheif Caaqil Ahmed Ibrahim Bookh
d) Cheif Caaqil siciid Muxumed Nuur
e) Cheif Caaqil Xasan Osman khayre
f) Cheif Caaqil abiib Ibraahim Bulaale
g) Cheif Caaqil Xasan Abdilahi (Xasan Dhabe)
h) Cheif Caaqil Maxamed Aw Cismaan
i) Chief Caaqil Cabdi Axmed
j) Caaqil Axmed Aw Ibrahim Jama
k) Oday Muumin Diiriye Ardaale
l) Gudoomiye Cali Sh. Xusseen Furre
m) Caaqil Cumar Caalin Xirsi
n) Caaqil Cabdi Xassan Kaahin
o) Caaqil Maxamed Maxamuud Muuse
p) Caaqil Cabdicasiis Cabdi Siciid
q) Caaqil Maxamed Cilmi Geedi
r) Caaqil Maxamed Cige Khayre
3. Aqoonyahanada Beesha
4. Culumo awdiinta Beesha
5. Dhalinyaradda
6. Iyo dhammaan wax garadka Beesha Axmed Sheekh Isxaaq (TOLJECLE