Somaliland waxay soo martay hayaan dheer oo lahaa wakhtiyo farxadeed iyo kuwa murugoba lahaa. Waxa 27 July 2010 loo dhaariyey talada dalka Madaxweynihii 4aad, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Allaah ha u naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), ayaa ahaa Madaxweynihii u horreeyey ee Somaliland oo lagu xasuusto ku dhawaaqidii goonni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa ku xigay marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal Alle ha u naxiistee oo isna lagu xasuusto sees-u-dhigidda haykalka dawladnimo ee aynu maanta wada dareemi karno, Madaxweynaha hadda talada ka dagay Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo isna runtii buugga xasuusta ee shacabka Somaliland ugu qoran hirgalinta dimoqoraadiyadda iyo hannaanka xisbiyada badan ku dhisan.
Haddii aan usoo noqdo dulucda qoraalkaygan, waxaynu ognahay tartankii saddexda xisbi qaran ay ugu loollameen hoggaaminta qaranka Somaliland muddada shanta sanno ee soo socda iyada oo xisbi waliba shacabka usoo bandhigay barnaamijyo siyaasadeed iyo ballanqaadyo ku aaddan waxqabadka iyo baahiyaha kala duwan ee dalku u oomman yahay. Sidaynu la socono KULMIYE ayaa ku guulaystay hoggaaminta qaranka doorashadii qabsoontay 26 June 2010, isla markaana 27 July 2010 loo dhaariyey madaxtinimada dalka mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo).
Sababta shacbiweynaha Somaliland u doorteen xisbiga KULMIYE waxay ahayd inuu keeno isbeddel siyaasadeed iyo mid horumarineed guud ahaan qaranka iyo bulshada Somalilandba. Halganka hoggaanka dalka ku hantiyey xisbiga KULMIYE may keenin shakhsiyaad qurba-joog ah iyo waliba xubnaha ka soo diga rogtay ururka QARAN, balse boqollaal kun oo muwaadiniinta gudaha dalka ku kala nool oo af iyo maal iyo addinba u huray xabbaddana isku dhigay in badanina ay u god galeen ayay natiijada xisbiga KULMIYE hantiyey ku timi, caddaalad markaynu soo qaadno waxay leedahay fasillaado kala duwan, hoggaamiyaha la doortaa caddaaladda uu dalka ku dhiqi doono waxa fure u ah kolba siduu ula macaamilo taageerayaashiisa iyo madaxda xisbiga ay ku wada abtirsadaan.
Waxaan ku soo afmeerayaa oo aan leeyahay Madaxweyne; waxa iga dardaaran ah in aad maskaxda ku hayso waxtarka bulshada kala duwan ee gudaha dalka ku nool ay u leeyihiin horusocodka qaranimada Somaliland, madaxweyne adigaanu ku dooranay, aqoontaada iyo waayo-aragnimadaada oo aannu ku kalsoonnahay ayaannu dooranay, taas ayaa shacabka Somaliland intooda badan tobanka sanno kuugu soo garab-taagnaayeen oo kuula soo qaybsadeen geeddi-socodkii dheeraa ee xisbiga KULMIYE, haddana diyaar kuula yihiin inay iskaa garab istaagaan hirgelinta himaladii xisbigu u ballanqaaday mujtamaca Somaliland, garabkaaga ayaannu taagan nahay, laakiin waxaannu kaa sugaynaa waa inaad caddaaladda nagu hoggaamiso.
Cabdirasaaq Sh Cali Askar, Hargeisa, Somaliland.