| Dhanxiir muxuu ka yidhi xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo
Maansha Allaah; Alleylehe Somaliland qayrkeed dhaaftay, kol haddii ay dalal badan oo wax isbidayey ay kaga horraysay, dhinacyada farxada, dimuqaraadiyada, xasiloonida iyo is-jacaylka, kaalay arag sidii walaaltinimadu ku ladhnayd ee Rayaale iyo Siilaanyo oo garbaha ishaysta xilkii isugu wareejiyeen, ta kale ee cajiibka ahayd dadkii shacabka ahaa ayaa gaadiidka dariiqyada marayey baadhayey oo muraayadaha dejiyada hayey si ay ammaanka qaybtooda uga qaataan, boolis, dadweyne iyo siyaasiyiin hadii la wada shaqeeyo ictiraafku wuu iska iman.
Wager; Adeer Aw Rayaale ammaan uma baahna oo waajib dastuuri ah ayuu fuliyey markii codka laga helay inuu wareejiyee, tallow golahan wasiirada ee maanta lagu dhawaaqayaa ma noqon doonaan kuwo u adeega masiirka ummadda oo dadweynaha xidhiidh la yeesha, mise sidii kuwii hore ayey muraayadaha dalacan donaan. Ta kale ma ka dhabayn doonaan balanqaadkii codka lagu siiyey.
|