WARGEYSKA JAMHUURIYA - MAALINLE KA SOO BAXA HARGEISA, SOMALILAND
Home

Somaliland

Geeska Afrika

Caalamka

Ciyaaraha

Dhaqaalaha

Waxbarashada

Faallo

Opinion and Articles

Interviews

Faanka iyo Suugaanta

Ogeysiis

Hambalyo

Tacsi

The Republican

Advertisement

Contact Us

Doorashada Wakiilada

 

Munaasibaddii Xil-wareejinta Madaxweynaha Cusub iyo Muuqaalladii Xiisaha lahaa ee ka Muuqday Madasha

Jewigii Xafladda, Wejiyada Hoggaamiyayaasha Xilka la Kala Wareegay iyo Dareenadii ku Xeernaa

July 27, 2010, oo ku beegnayd Salaasadii shalay, ayaa ahayd maalin xusuus taariikhi ah ugu astaysan ummadda Somaliland, taas oo ahayd dhacdo aan nooceedu hore u soo marin dalka oo ay xilka kula wareegeen labada madaxweyne oo ku yimi doorasho toos ah oo shacabku codkooda si xor ah ugu soo doorteen.

Xaflad xiiso gaar ah lahayd oo shalay ka dhacday qasriga Madaxtooyada, waxa xilka xafiiska dalka looga taliyo kula kala wareegay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku guulaystay doorashadii madaxtinimada Somaliland ee qabsoontay 26 June 2010 iyo Md. Daahir Rayaale Kaahin oo dalka soo hoggaaminayey siddeedii sannadood ee la soo dhaafay, kadib markii uu doorashadii Madaxtooyada ee 2003 kaga adkaaday Madaxweynaha cusub ee shalay ee xilka loo dhaariyey.

Munaasibadda xil-wareejinta iyo dhaarinta Madaxweynaha cusub oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, isla markaana ka qaybgaleen madax tiro badan oo ka kala yimi waddamada deriska, beesha caalamka iyo marti sharaf laga soo naqeeyey hal-doorka Somaliland, ayaa waxa ku xeernaa dhacdooyin xiiso leh iyo muuqaallo kala duwan oo laga dheehanayey, madasha dhexdeeda, martida iyo madaxda xilka la kala wareegay.

Haddaba, weriye ka tirsan Jamhuuriya oo ka qaybgalay xafladda Madaxweyne Siilaanyo xilka kaga tirsaday Md. Rayaale, ayaa warbixintan ka diyaariyey dhacdooyinkii soo jiidashada lahaa ee ka muuqday munaasibadda iyo jewigii guud madasha oo ahayd mid ilyartu is qabatay, waxaannu ku bilaabay sidan;

Ammaanka:

Munaasibadda taariikhiga ah ee ay xilka kula kala wareegeen Madaxweynaha cusub iyo Madaxweynihii hore, ayaa ahady si weyn loo adkeeyey ammaankeeda, waxa subaxnimadii hore ee shalay intaanay qorraxdu soo bixin la xidhay dhammaan jidadka ku aroora xarunta Madaxtooyada ee xafladdu ka dhacday, waxana afarta jiho ee Madaxtooyada la dhoobay cutubyo ka tirsan ciidammada qaranka oo watay gaadiidka dagaalka ee tiknikada, kuna hubaysnaa noocyada kala duwan ee hubka fudud iyo koobiyado bir ah, kuwaas oo si taxadir iyo foojignaan wayni ka muuqato aaggaas uga xayiray dhaqdhaqaaqa dadka iyo baabuurtaba.

Sida oo kale, ciidammada booliska ayaa iyaguna raxan-raxan u gaaf-wareegayey guud ahaan jidadka waaweyn ee caasimadda Hargeysa, isla markaana si fiican ula socday dhaqdhaqaaqyada gaadiidka iyo dadka lugta ah ee dhexmaraya magaalada gudaheeda, iyadoo dhinaca kalena aad loo adkeeyey dhammaan baraha kaantaroollada laga galo Hargeysa, iyadoo si adag loo baadhayey baabuurta iyo dadka safarka ah.

Dhinaca kale, waxa jidadka magaalada lagu arkayey dad shicib ah oo isku xilqaamay inay sugaan ammaanka, iyagoo gaadiidka kala duwan si habsami ku jirto uga codsanayey inay muraayadaha daaqadaha baabuurta ee bacaha madow ku xidhan yihiin dejiyaan oo ay eegaan waxay sidaan.

Jewigii Madasha iyo Milicsiga Madaxda Shisheeye ee la Casuumay:

Madasha loo golleeyey xafladda taariikhiga ah oo ahayd dhisme ku-meelgaadh ah oo laga binneeyey barxadda hore ee qasriga Madaxtooyada, laguna taxay boodhadh lagu qoray hal-ku-dhegyo muujinaya guusha taariikhida gashay ee lagu soo afjaray doorashadii Madaxtooyada Somaliland iyo sawirrada labada Madaxweyne ee xafiiska la kala wareegay oo marti sharaftu ku qulqulayeen ilaa 7:00 subaxnimo, ayaa inkastoo ay u muuqatay mid muddo laga soo shaqaynayey diyaarinteeda oo hawl badani ku baxday, haddana waxa laga dareemayey waxoogaa habacsanaan ah oo ka muuqday cidda mamulaysay hab-maamuuska, martida la casuumay, arrintaas oo madasha ka abuurtay is dhexyaac ay isku milmaan madaxda wufuudda shisheeye ee milgaha iyo qadarinta mudnaa iyo dadweynaha reer Somaliland oo aanay jirin goobo loo kala qorsheeyey inay fadhiistaan, taas oo keentay in kuraastii madasha laga buuxiyo wufuudda dalalka shisheeye, gaar ahaan safafka hore oo ay istaxeen raxan ka mid ah wasiiraddii xukuumadda xilka wareejisay oo weliba guddiga qabanqaabada xafladu iyaga ahaayeen, waxaana goobta munaasibadda oo buuxda yimi xubnaha wufuuddaasi oo ay khasab ku noqotay markii ay yimaadeen fagaaraha inay sarajooga ku sugaan intii dadka sida habqanka ah u fadhiistay kuraasta looga kicinayey, kuwaas oo codbaahiyaha makaroonka looga baaqayey inay banneeyaan meelo martidu fadhiisato.

Munaasibadda xil-wareejinta oo ku qabsoontay, ayaa ahayd si weyn loo sugayey oo xusuus iyo xiiso gaar ah u lahayd guud ahaan ummadda Somaliland iyo beesha caalamka, waxaanay kulmisay oo ka qaybgalay masuuliyiintii ugu tirada badnaa abidkeed oo ka kala yimi dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo wakiilo ka socday ururrada iyo dalalka reerka galbeedka ee taageera geeddi-socodka hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland.

Wufuuddaas ka kala socotay dalalka deriska waxa kala hoggaaminayey Wasiirka Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo dhaqanka Jabuuti Md. Cali Cabdi Faarax, Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin Kenya iyo Wasiirka Dalxiiska iyo dhaqanka ee dawlada Fadaraalka Itoobiya Md. Maxamuud Dirir iyo madaxweynaha cusub ee gobolka is-maamulka soomaalida ee Itoobiya, waxay farxadda iyo rayn-raynta la qaybsanayeen dadweynaha reer Somaliland, waxaana wejiyadooda ka muuqanayey siday ula dhacsanaayeen hannaanka dimuqraadiyaddeed ee dhifka ku ah qaaradda Afrika ee Somaliland madaxdeedu xilka kala kala wareegayso.

Muuqaallada Wejiyadii Afarta Hoggaamiye ee Xilka kala Tirsaday:

Waxay ahayd abbaaro 10:15 barqonimo ee shalay markii uu kadinka Madaxtooyada ka soo galay Madaxweynaha cusub Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku lebbisnaa suudh midabkiisu sibidhi yahay, tay cas iyo muraayadda hadhka ee indhaha, isla markaana gelbinayeen cutubyo ka tirsan ilaaladiisa oo aad u hubaysnaa oo ay wehelinayeen marwadiisa iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan xisbigiisa KULMIYE, waxaannu si toos ah u abbaaray gudaha guriga Madaxtooyada, halkaas oo ay ku qaabileen Madaxweynaha uu xilka kala wareegay iyo ku-xigeenkiisa Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo iyagu hore ugu sugnaa gudaha xarunta.

Sidoo kale, rubuc-saac kadib waxa madasha soo gaadhay Madaxweyne-ku-xigeenka cusub Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna xidhnaa isku joog [suudh] madow, tay buluug ah iyo muraayad, waxaannu si degdeg ah u afreeyey saddexda hoggaamiye ee hore ugu sugnaa gudaha madaxtooyada.

Muddo ku dhaw saacad oo madaxda xilka la kala wareegayey keli ku ahaayeen gudaha xafiiska Madaxtooyada, waxa madasha oo la ciirciiraysay madaxda shisheeye iyo marti sharafta lagu casuumay duleedkeeda lagu diyaariyey ciidammada muusiga (baanboyda) booliska iyo cutub ka tirsan ciidanka qaranka oo loo diyaariyey in ay salaan sharaf si wadajir ah ugu qaabilaan afarta madaxweyne ee xilka la kala wareegay oo loo sii dhigay roogga cas ee lagu maamuuso madaxda sare ee qaranka.

Intaa kadib waxa mar qudha madasha ka oogsaday sacab aan loo kala hadhin, kadib markii ay abbaaro 10:50 daqiiqo mar ka soo wada baxeen gudaha Madaxtooyada afarta Madaxweyne ee xilka kala tirsaday, kuwaas oo iyagoo aad u wada faraxsan, garbahana isku haya ka hor intii aanay fadhiisan goobta looga diyaariyey madasha salaan sharaf ka qaatay ciidammada u diyaarsanaa soo-dhawaynta iyo sagoontiska wada socday.

Inkastoo afarta hoggaamiye ka sinnaayeen farxadda guud ee munaasibadda madasha hadhaysay, isla markaana Madaxweynaha la sagootiyayey - Md. Rayaale - si gaar ah dhoollacaddaynta iyo farxadda xad-dhaafka ah ula qaybsanayey Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka cusub, basle waxa si gooni ah uga tilmaanaa saaxiibadiisa kale Madaxweyne-ku-xigeenkii hore Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo muuqaalka wejigiisa aga dareemayey niyad-jab, kana qatanaa farxadda iyo qosalka ragga kale ka muuqday.

Si kastaba ha ahaatee munaasibadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub iyo sagootiska Madaxweynihii hore ee ahayd mid baal-dahab ah kaga qormi doonta taariikhda qaranka Somaliland iyo guud ahaan qaaradda Afrika, sidoo kalena fure u noqon karta aqoonsiga Somaliland dunida martida uga ahayd labaatankii sannadood ee ay jirtay.”



Jamhuuriya Online

Printable version     Email this to a friend




 

Ra'yi / Opinions
Book Launch – Adduun iyo Taladii – A Collection of Essays about Citizenship by Rashid Sheikh Abdillahi
07/09/2010 -
WAR-SAXAAFADEED
07/09/2010 - Ibrahim Ducaale Saleebaan (Tallaabo)
Two roads, similar history – Awdal Road and Fairfax Country Road
07/09/2010 -
FAHAMKA ZAKATUL FIDRIGA.
07/09/2010 -
Culaysyada Qabiilaysan ee ku Gedaaman Madaxwayne Siilaanyo
07/09/2010 - Qalinkii Eng. Maxamed Xuseen
GAR-SUGOW MA TIHID GARSOORE!
07/09/2010 - Maxamad Cabdi Daauud/
Taariikh Nolaleedkii Taliyihii Hore Ciidaanka Booliska Somaliland Ala hawnaxariistee ( Maxamed Cige)
07/09/2010 -
Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha ee Bannaan (ULPA) oo Madaxweynaha ku Hambalyeeyey Maxjarka Cusub
07/09/2010 -
Hambalyo Meher
07/09/2010 -
Hambalyo
07/09/2010 -
Musuqmaasuq Hadheeyey Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo
07/09/2010 - Axmed Maxamed Axmed, Hargeysa.
Tacsi Cabdilaahi Askar
07/09/2010 -
 
 
 

 

Jamhuuriya Online Edition - All rights reserved © 2002