Ugu horreyn waxaa salaan qiimo leh u soo gudbinayaa saxaafadda Somaliland iyo dhammaan shaqaalaheeda heeganka ah meelkastooy joogaan, khaasatan kuwa wararka diirran ee dhexdhaxaadka ah nooga soo gudbiya gudaha Jamhuuriyadda xorta ah, barakeysan ee Somaliland.
Haddaan u soo noqdo dulucda maqaalkaygan oo ah sidaynu la wada socono waxa ku soo bixi jiray bogagga hore ee warsidayaasha Somaliland maqaal uu qore ninka layidha A.GEELJIRE oo runtii ahaa maqaallo ka hadla wadciga Somaliland, gaar ahaanna siyaasadda oo looga hadlayo qaab madadaallo ah oo ay iswareysanayaan laba nin oo marfish fadhiyo; waa nooca loo yaqaan fadhi ku dirirkee (Dubbe iyo Dolaal). Dhab ahaan waa maqaal ku dhisan aftahanimo, farshaxanimo iyo waliba hibo iyo daacanimo uu Ilaahay siiyay qoraaga Cabdillaahi Geeljire,waliba mararka qaarkood waa naanays-bixiyaha siyaasiyiinta Somaliland sida taliyaha booliska oo maqaalka Daljir uu u bixiyey "Mooge," kadibna Dhanxiir iyo wagartu sii faafiyeen.
Waxa aniga si gaar ah ii cajibiya sida qoraagu u sawiro marfashka siday wax ugu socdaan oo khayaal fiican uu ka sameeya muuqaalka meesha iyo hawada beenta ah ee ay ku noolyihiin asxaabul mirqaanku.
Markaa qoraaga waxaan waydiin lahaa maqaalkii ma UDUB ayuu raacay oo isna xilkii wuu wareejiyey, mise wax kalaa jiraa? Inaadeer bahalka naga soo daa waan raagsaneee.
KHADAR ISMAIL YUSUF, IRBIT JORDAN, JORDAN UNIVERSITY OF SCEINCE AND TECHNOLOGY, EMAIL quule91@hotmail.com