WARGEYSKA JAMHUURIYA - MAALINLE KA SOO BAXA HARGEISA, SOMALILAND
Home

Somaliland

Geeska Afrika

Caalamka

Ciyaaraha

Dhaqaalaha

Waxbarashada

Faallo

Opinion and Articles

Interviews

Faanka iyo Suugaanta

Ogeysiis

Hambalyo

Tacsi

The Republican

Advertisement

Contact Us

Doorashada Wakiilada

 

Madaxweyne; Waa Wakhtigii Shacabka Dayaxa la Geyn Lahaa!

Marka hore hambalyo guusha doorashada Madaxweyne la doortey iyo ku-xigeenkiisa iga gudooma. Sidaan ballanta kuugu galey 2005 in haddii aad doorashada ku guuleysato in aan kugu caawiyo wax alliyo wixii karaankey ah baan halkan kuugu sheegayaa inaan mar walba diyaar kuugu ahay. Mudane Madaxweyne; dhinacaagana waxaan ka sugayaa balantii aad shacabka u gashey inaad ka soo baxdo.

Mudane Madaxweyne manta waxaad haysataa fursad qaali ah oo aad SHACABKA ku geyso dayaxa, sababtoo ah waxaad tahay nin aqoon leh khibrad maamulna ku soo jirey siyaasina ahaa muddo ka daban 20 sanno. Soomaalidu waxay tidhaa FAR KALIYI FOOL MA DHAQDO, markaa waxaad u baahan tahay oo hadda ku garab joogaa dadkii ugu aqoonta badan, kana soo shaqeeyey waddanka gudihiisa iyo dibaddiisa. Markaasi dadkaasi ka soo xulo una magacow jagooyinkaa adigoon u eegin reer. Haddii runta la isu sheego reero badan baa xanaaqi doono oo raadinaya jagooyin iney ka helaan, laakiin ha illoobin in reerkasta oo waddanka ku nooli codkoodii ku siiyeen adiga oo aanay eegin reerka aad ka soo jeedo, balse kugu siiyeen kartidaada. Reer xafiis kuu maamuli mayaan, balse qof aqoon leh ayaa xafiis kuu maamuli kara.

Mudane Madaxweyne; sidaa madaxda kula shaqeen doonta hogaan TOOSAN ugu noqoto oo ay kugu daydaan oo WAA CUSUB dalka ka bilowdo waxa qurux badan si shacabku kuugu kalsanoodaan inaad daabacdo waxaad MAAL leedahay intaan lagu DHAARIN si loo ogaado maalinta aad kursiga ka degto in aaddan ku tagrifalin XOOLIHII dalka. Waxaad ku qasabtaa qof alliyo qofkii jago waddanka xil sare ka qabanayaa inuu caddeeyo iyadoo qoraal ah waxa uu MAAL leeyahay. Qofkii shuruuddaa ka soo bixi waayo maaha in jago loo magacaabo.

Mudane Madaxweyne; waxa lagaa doonayaa inaad dhisto jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo iyo jibka isku xidha Gebiley iyo Djibouti. Waxaa lagaa sugayaa inaad dekedda Berbera iyo Saylac aad dib u hagaajiso. Waxa lagaa sugayaa Gobol Sanaag iyo Awdal iney helaan dekad ay wax ka soo dejistaan, taasi waxay keeneysaa iney shaqo abuurto sicirka dekadaha laga qaado uu jabo, taasina waxay u faa’iideyn shacabka oo heli doonaa raashin amba dharjaban. Ha igu odhan Mudane Madaxweyne; halkaan waxaas oo lacag ah ka keenayaa. Lacagta looga bahaan yahay in hawshan lagu qabto maalin welba jeebadaha ayaa lagu shubtaa amba jeebad weynaha Nairobi jooga ayaa buuxsada hambada soo hadhana waxa lagu cunaa Hargeysa. Halkee lagu arkay hay’adaha waaweyn ee lacagta badan la soo siiyo ee diidaya in ay shaaca ka qaadaan lacagta la soo siiyey. Sababta ay wax u qarsadaan waxay ka socotaa dawlad BILAA ILKO ah oo la xisaabtamta ma jirto markaasi. Cid alliyo ciddii lacag la soo siiyey waxay gudbisaa barnaamij, markaa lacagtu haka timaad USA, CANADA, EU amba Japan. Waxa lacagta intey tahay la diiwaangaliyaa baarlamanka waddankaa oo raba inuu ogaado lacagtu meesha ay martey. Markaa maxaa dawladdeenna u diidey iney hay’adaha weydiiyaan ORIGINAL Proposal ay codsiga ku dhiibateen keena, markey keenaan maxaa inoo diidey in aan ka hubino haya’dda lacagta soo siisey in ay codsi intaa le’eg soo weydiisteen. Waxaan hubaa in aanay dib dambe lacag u xadi doonin. Tusaale, World Bank wuxuu lacag dhan US$100 million siiyey University of Indiana ee USA ku taal si ay Virtual University uga furto Amoud University, Hargaysa University, laba jamaacadood oo Puntland ku yaal iyo laba Jaamacadood oo ku yaal Xamar. Mudane Madaxweyne; bal weydii meesha ay lacagtii martey.

Mudane Madaxweyne; maanta waxa la joogaa qarni casriya markaasi waxa mudan in aad taariikh ka tagto oo aad noqoto madaxweynihii ugu horreeyey ee waddankeena E-GOV. Waxa kaliya oo ay uu baahan tahay wareegto aad ugu sheegeyso in wasaarad iyo hay’ad kasta oo dawliya ay sameysato E-GOV webstite si shacabku uga helo wixii war ah ay ka doonayaan xafiiskaa. In qofkii rabaa inuu shirkad furto ka xareysan karo Website xafiiska. In cashuurta lagu bixin karo si looga maarmo diilaalkii jiri jirey iyo Wasiirkii Shaabada gurigiisa u qaadan jirey.

Mudane Madaxweyne waxaa lagaa rabaa in aad Wasaaradda Waxbarashada ku amarto iney dugsi kasta u sameeyaan Computer. Waxay odhan doonaa lacag ma haysano waana runtood, laakiin sidaad lacag ku heli haddii aadan diyaarsan miisaniyadda ku baxaysa. Markay diyaarsadaan miisaanyadda ku baxaysa sida loo helo miisanayaddaasi dhib ma leh ee diyaar ma u yihiin in arrintaasi lagau daro waxbarashada ardeyda. Wasaaradda waxbarashadu diyaar ma u tahay inay standard waddanka wax lagu dhigaya dejiyaan oo dugsigii aan ku guuleysan inuu shuruudahaa ka soo baxo albaabyada loo xidho. Wasaaradda waxbarashadu waa in ay wax ka qabataa macalimiinta aan shahaado dugsi sare haysan ee dugsiyada ka dhigta.

Mudane Madaxweyne’ maa xilligii albaabyada loo xidhi lahaa cusbitaallada ay dhakhaatiir aan shahaado dhakhtarnimo ah wax ka daween lahaayeen. Dhakhtar ku sheegan waxay dileen aan tiro lahayn, waana xilligii wasaaradda caafimaadku ay hubin lahayd dhakhtar kasta shahaadada uu wataa in dhab tahay oo ay u diidi lahay warqadda oggolaanshaha inuu dhakhtar noqdo. Adduunkoo idil bay ka jirtaa maxaa inaga inuu diidey. Waa waqtii dadka aan aqoonta u lahyn farmasiiga shaqada laga joojin lahaa si shicibka loo badbaadiyo. Waa in la furaa hay’ad ilaalisa dawooyinka waddanka la soo gasho. Dad badan baa u dhintey sababo dawo dhacdey amba khalad ah.

Mudane Madaxweyne; waxa la gaadhey waqtigii dhalintan bilaa shaqo ah la shaqaaleysiin lahaa oo laga hortigi lahaa tahriibka. Waxaa loo baahan yahay in dawlado maalgaliso mashruucyada did u dhiska wadan ha noqoto jidad, dekada, dayac tirka xafiisyada dawlada, iwm. Dhallinta si ayna gobolka ay ka dhasheen uga tegin waxaa loo bahanyahay in gobol kasta laga furo machadka tababarka dhallinyarada, kaasoo bari doonaa xirfadaha waddanka looga baahan yahay.

Mudane Madaxweyne; waxa la gaadhey waqtigii dawladdu waddanka maalgalin lahayd sida iney dib loo daadiyo FIBER OPTIC lines Telecommunication oo la daadiyo min Saylac ilaa Las Anod. Waxay abuuri shaqo badan, waxay jabin sicirka telefoonnada, wadankana waxay u keeni internet casri ah oo shacabka ku xidha adduunka. Su’aasha meesha taal waxay tahay waa la samayn karaayaa Mudane Madaxweyne diyaar ma u tahay in aad SHACBKA DAYAXA GEESO?

Mudane Madaxweyne; waxa la gaadhey waqtigii dawladdu siin lahayd mudnaan oday-dhaqameedku ka leeyahay wadanka iyadoo loogu abaalgudayo in loo qoro MUSHAR joogto si ay uga xoroobaan baryada iyo shaxaadka ay ku hayaan maamulayaasha dawladda. Arrintani waxay siinaysaa oday-dhaqameedka sharaf iyo inay ka madaxbannaanaad iibsashada siiyaasiyiintu iibsato si ay u fuliyaan dhanahooda gaarka.

Mudane Madaxweyne; waxa la gaadhey waqtigii dawladdu dastuurka beddeli lahayd si dastuurku ugu oggolaado dadka tayada iyo aqoonta leh si ay waddanka ugu soo noqdaan oo ay doorashada Madaxweynaha iskugu sharraxi karaan. Tani waxay keeni in dad badan waddanka ku soo noqdaan oo aqoontooda waddanku u baahan yahay dalka uga faa’iideeyaan. Arrintani waxay ka mid tahay ballamahii aad sida gaarka ah shacabka ugu ballanqaadey.

Mudane madaxweyne waxa la gaadhey waqtigii dawladdu danyarta, xoolo-dhaqata, beeralayda, iwm ee u baahan waxoogaa lacag ah oo ay maheradooda ku samaystaan Baanku u siin lahaa. Taasina waxay suurtogal noqon kartaa markaad furto Baanka Horumarinta si ay daymo yaryar u siiyaan dadka danyarta ah.

Mudane Madaxweyne; waxa la gaadhey waqtigii dawladdu dib u hagaajin lahayd Baanka Dhexe kuna soo xidhi lahayd banaanka adduunka si dadka ganacsatadu ay ugu dhib yaraato iney ay banaanka wax ka keensadaan iyagoo furan karo LC oo LC la aqoonsan yahay.

Waxaan kuu rajeynayaa in aad hawsha weyn Ilaah kuu dhib yareeyo oo aad ku guuleysato. Midna waan kugu waanin, inkastoo aad iga weyn tahay – Mudane Rayaale waxa kaa mudan yahay inaad adiga iyo dawladda aad soo dhiseysaa siisaan mudnaan Madaxweyne. Haddii aadse ixtiraami weydaan waxa idinkana idinku dhici tii ku dhacdey Madaxweynihii beddeley Kanis Ka’unda ii Zambia. Markuu mudnaan siin waayey Madaxweyne Ka’unda, insna markuu kursiga ka degay waxay noqotey in Madaxweynihii beddelay NIGISYADIISII oo idil la XARAASHO. Waxaan kalsami weyn ku qabaa inaad mudnaan siin doontaan.

Waxaan Ilaah kaaga baryayaa inuu Hawshaa weyn kuu dhibyareeyo kuna guuleysato.

Dr. Cabdillaahi Xaashi Abiib, MA, MASc and Ph.D. VIRGINIA USA, dheemaal@yahoo.com



Jamhuuriya Online

Printable version     Email this to a friend




 

Ra'yi / Opinions
Tacsi : Marxuum C/llaahi Xuseen Dhagoole
08/09/2010 -
Halka Caruurta Somaliland Ka Farxayaan Maalinta Ciida Annagu Ma Haysanno wax Aannu Ku Faraxno’
08/09/2010 -
Illaahay aynu ka baqano, xaqana aynu isku sheegno
08/09/2010 -
Ku: MADAXWAYNAHA SOMALILAND (Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo)
08/09/2010 -
Book Launch – Adduun iyo Taladii – A Collection of Essays about Citizenship by Rashid Sheikh Abdillahi
08/09/2010 -
WAR-SAXAAFADEED
08/09/2010 - Ibrahim Ducaale Saleebaan (Tallaabo)
Two roads, similar history – Awdal Road and Fairfax Country Road
08/09/2010 -
FAHAMKA ZAKATUL FIDRIGA.
08/09/2010 -
Culaysyada Qabiilaysan ee ku Gedaaman Madaxwayne Siilaanyo
08/09/2010 - Qalinkii Eng. Maxamed Xuseen
GAR-SUGOW MA TIHID GARSOORE!
08/09/2010 - Maxamad Cabdi Daauud/
Taariikh Nolaleedkii Taliyihii Hore Ciidaanka Booliska Somaliland Ala hawnaxariistee ( Maxamed Cige)
08/09/2010 -
Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha ee Bannaan (ULPA) oo Madaxweynaha ku Hambalyeeyey Maxjarka Cusub
08/09/2010 -
 
 
 

 

Jamhuuriya Online Edition - All rights reserved © 2002