WARGEYSKA JAMHUURIYA - MAALINLE KA SOO BAXA HARGEISA, SOMALILAND
Home

Somaliland

Geeska Afrika

Caalamka

Ciyaaraha

Dhaqaalaha

Waxbarashada

Faallo

Opinion and Articles

Interviews

Faanka iyo Suugaanta

Ogeysiis

Hambalyo

Tacsi

The Republican

Advertisement

Contact Us

Doorashada Wakiilada

 

Waxa igu Dhaliyay inaan Siyaasadda Dib ugu soo Noqdo Mandaqaddeenna oo Meel Xaasaasi ah Maraysa oo…

Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo intii aan KULMIYE la samayn Jamhuuriya la yeeshay Axmed Siilaanyo markii uu iska casilay xiirnimada xukuumaddii Cigaal

Feb 05 2002 London (Jam)- Waraysi aad u xiiso badan oo dhinacyo badan taabanaya oo  wargeyska Jamhuuriya la yeeshay madaxweynaha talada dalka loo doortay shanta sanno ee soo socda Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaas oo uu xilligaas kaga hadlay hamigiisa siyaasadeed ee ku waajahnaa inuu mar uun talada dalka qabto.

Waraysigan oo Md. Axmed Siilaanyo magaalada London kula yeeshay  Saxafi ka tirsan Wargeyska   Jamhuuriya  Cabdixakiin Maxamed Sheekh, wax yar kadib markii uu iska casilay xilka wasiirka Qorshaynta Somaliland, waxa uu kaga hadlay waxyaabihii xilligaa ku kalifay inuu siyaasadda dalka ku soo laabto. maadaama markii uu iska casilay xilkii wasiirnimo uu sheegay inuu ka fadhiisanayo hawsha siyaasadda.

Waraysigan oo la qaaday muddo hadda laga joogo 8 sanno iyo dheeraad, waxa uu isagoo faahfaahsan u dhacay sidan:

Su’aal: Mudane Axmed; waxaad hore u sheegtay inaad siyaasadda ka fadhiisanayso markii aad xilka wasaaradda iska casishay, maxaa iminka kugu dhaliyay inaad siyaasadda dib ugu soo noqoto?

Jawaab: Waxa igu dhaliyay inaan siyaasadda dib ugu soo noqdo laba arrin oo kiisa hore yahay cadaadis igaga yimi dadweyne aad u fara badan oo isugu jira aqoonyahan, culimaa’udiin, dhallinyaro, odayaal iyo haween ka tirsan qaybaha kala duwan ee bulshada oo iga dalbaday in aanan ka fadhiisan siyaasadda ee aan ku soo noqdo si an uga qaybqaato dhismaha qarankayga. Qodobka kale ee igu dhaliyay inaan dib ugu soo noqdo arrimaha siyaasadda waa iyadoo aan arkay in mandaqaddeennu iminka marayso meel xaasaasi ah oo aan ii saamaxayn inaan indhaha ka qarsado, taasoo waajib igaga dhigaysa inaan wixii awoodayda ah ku biiriyo inaan u shaqeeyo dadkayga iyo dalkayga, iyada oo aanan lahayn dal kale iyo dad kale toona oo aan ahayn Somaliland.

Su’aal: Markaad noqoto halkee baad doonaysaa inaad wax ka bilawdo?

Jawaab: Taasi waa su’aal wanaagsan. Waxaan aaminsanahay in dalkeenu marayo meel xaasasi ah oo u baahan in si xikmadi ku jirto wax loo maareeyo. Waxaan doonayaa in la bilaabo wadahadal oo si caafimaad qabta looga wada shaqeeyo danta qaranka, isla markaana xal loo helo khilaafaadka jira, iyadoo loo marayo xallintiisa wadahadal iyo nabadgelyo, mawqifka iyo aaraahda lagu kala taggan yahayna waxaan qabaa in lagu xalliyo oo loo furo wadahadal, taasoo aan maanta muuqan, markaas ta aan doonayo inaan wax walba ka horraysiinaa waxa weeye in wadahadal bilaabmo, taasi ayaan aaminsanahay in lagaga badbaadi karo dhibaato iyo mashaakil Ilaahay ha innaga hayee.

Su’aal: Waxaa maalmahan danbe la isla dhex marayaa inaad Madaxweynanimo isu soo sharraxyso, maxaad arrintaas ka leedahay?

Jawaab: Horta anigu waanigii kuu sheegayoo marxaladda iminka la marayo waxa loo baahan yahay in la wada hadlo oo la isa soo horfadhiisto, ka dibna meel la isla dhigo halka loo guurayo. Marka hore taas meel ha la isla dhigo, kadib ayaa is-sharraxaad iyo doorashooyin la guda gali karaa, illeyn oodo dhacameed siday u kala sarreeyaan ayaa loo kala guraaye, balse marka xilligaas la gaadho anigu siyaabo kala duwan ayaa looga qaybgali karaa, haday noqoto inaan madaxnimo isu sharraxo iyo hadday noqoto inaan mid nabad ka shaqayneed uga qaybgalaba, taasina ka qaybgalka aan sheegayo kuma soo koobayo meel keliya oo cayiman sida madaxnimo keliya iyo wixii la mid ah.

Su’aal: Waxaad ahayd Gudoomiyihii ugu mudada dheeraa xiligii SNM maxaa isbadal kugu dhacay ilaa wakhtigaas?

Jawaab: Runtii waxbadan baa iska kay beddelay ilaa wakhtigaas aad sheegtay oo da' iyo cimri labada oo waayaheeda iyo waayo-aragnimadeeda leh, aniguna kii hore ee aad taqaaneen uun baan ahay, xiligii aan madaxda ka ahaa ururkii SNM iyo ilaa maantadaa aan joogo waxaan aaminsanahay isku wadidda bulshada gudaheeda iyo talowadaagga ummadda dhexdeeda oo marwalba loo marayo wadahadal iyo isku duubni, taasna waxaa daliil u ah maalintii Jigjiga la igu doortay 1984kii waxa xaalka ururka SNM ahaa mid taagan meel aad u adag, balse maalintii xilka aan wareejiyay wuxuu ururka SNM ahaa ka kaliya ee ka soo hadhay ururradii mucaaridka ahaa ee jiray, taasoo ururka u soo jiiday sumcad aad u sarraysa, taasina waxaan ku gaadhnay isu tanaasul, wada-tashi iyo wadahadal lagu dhammeeyo wax aaminsan, haddana ay wadashaqayn fiicani ka dhaxaysay iyada oo wax walba laga horraysiinayo danta guud. Khilaaf kastoo yimaad, iyadoo xataa madaxda SNM ee kala afkaarta ahayd ay had iyo goor iyaga oo kale.

Su’aal: Waxa jirta in muddo sannad ah Golaha Guurtidu xilka u kordhisay xukuumadda hadda jirta, iyadaoo xisbiyada mucaaridka ah qaarkood taageereen, qaar kalena ka soo horjeedaan, sideed arrintaas u aragtaa?

Jawaab: Sidaan horeba u sheegay muwaaqiif kala duwan ayaa la kala taagan yahay oo dhinac kastaaba si wax u arko, anigu waxaan aaminsanahay in wada-hadal uu furmo oo mawaaqiifta la isu soo dhaweeyo, iyada oo la eegayo danta guud, maadaama dalka la wada leeyahay oo aan qofna qof ka maarmi karin.

Su’aal: Waxaa laga joogaa muddo 11 sannadood ah ilaa maalintii lagu dhawaaqay la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland, ilaa maantana lama aqoonsan, markaa maxaad u aragtaa in aynu aqoonsi ku heli karno.

Jawaab: Runtii arrinka aqoonsigu wuxuu leeyahay laba weji, wajiga koowaad waa in ictiraafka gudaheena iyo wadajirkeena la adkeeyo lana xoojiyo nabadgelyada iyo walaalnimada shacbiga dhexdiisa. Wejiga labaad waa kan dunida la rabo in laga dhaadhiciyo qaddiyaddeena, loona sharraxo rabitaanka shacbigeena, taasi ayaa aasaas u ah raadinta aqoonsiga, iyadoo waliba ay muhiimadda weyn leedahay inaynu xoogga saarno ilaalinta midnimada shacbiga reer Somaliland.

Su’aal: Dadweynaha reer Somaliland waxay ku guulaysteen inay dalkooda ka dhaliyaan nabadgelyo iyo horumar dhinaca dhismaha iyo dhaqaalaha ah, balse waxay khaatiyaan ka joogaan muranka siyaasiyiinta Somaliland, iyadoo muranka siyaasiyiintu qaranka iska hortaagay horumar badan oo la gaadhi lahaa, maxaad arrinkaas ka leedahay?

Jawaab: Marka u horraysa waxa horumarka sal u ah nabadgelyada iyo wadajirka ummadda, waxaana hubaal ah in dadweynuhu uu ku amaanan yahay horumarka fiican ee ay sameeyeen, iyagoo aan wax kaalmo ah ka helin dalalka deeqda bixiya ee dunida. Waxa haddaba siyaasiyiinta la gudboon inay dadweynaha kala shaqeeyaan horumarka, dawlad kastana waxa looga baahan yahay inay mujtamaca ku dhiirrigaliso dhinaca aqoonta iyo dhisidda maskaxda ee muwaadiniinta. Sidoo kale waxa lagama-maarmaan ah in xukuumaddu ku shaqayso daacadnimo iyo wada tashi caddaalad ku dhisan, iyada oo loo baahan yahay in bulshoweynta laga talogaliyo talada qaranka iyo aayaha dalka, sidoo kalana waa in awoodad dalka debaddiisa ku nool oo aad u ballaadhan lagu dhiirrigaliyaa ka qaybqaadashada dhismaha dalka.

Su’aal: Goormaad dalkii ku laabanaysaa?

Jawaab: Haddii uu Allah oggolaado waxaan ku laabanayaa dhawaan.



Jamhuuriya Online

Printable version     Email this to a friend




 

Ra'yi / Opinions
Book Launch – Adduun iyo Taladii – A Collection of Essays about Citizenship by Rashid Sheikh Abdillahi
07/09/2010 -
WAR-SAXAAFADEED
07/09/2010 - Ibrahim Ducaale Saleebaan (Tallaabo)
Two roads, similar history – Awdal Road and Fairfax Country Road
07/09/2010 -
FAHAMKA ZAKATUL FIDRIGA.
07/09/2010 -
Culaysyada Qabiilaysan ee ku Gedaaman Madaxwayne Siilaanyo
07/09/2010 - Qalinkii Eng. Maxamed Xuseen
GAR-SUGOW MA TIHID GARSOORE!
07/09/2010 - Maxamad Cabdi Daauud/
Taariikh Nolaleedkii Taliyihii Hore Ciidaanka Booliska Somaliland Ala hawnaxariistee ( Maxamed Cige)
07/09/2010 -
Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha ee Bannaan (ULPA) oo Madaxweynaha ku Hambalyeeyey Maxjarka Cusub
07/09/2010 -
Hambalyo Meher
07/09/2010 -
Hambalyo
07/09/2010 -
Musuqmaasuq Hadheeyey Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo
07/09/2010 - Axmed Maxamed Axmed, Hargeysa.
Tacsi Cabdilaahi Askar
07/09/2010 -
 
 
 

 

Jamhuuriya Online Edition - All rights reserved © 2002