WARGEYSKA JAMHUURIYA - MAALINLE KA SOO BAXA HARGEISA, SOMALILAND
Home

Somaliland

Geeska Afrika

Caalamka

Ciyaaraha

Dhaqaalaha

Waxbarashada

Faallo

Opinion and Articles

Interviews

Faanka iyo Suugaanta

Ogeysiis

Hambalyo

Tacsi

The Republican

Advertisement

Contact Us

Doorashada Wakiilada

 

Maxaa iska Beddelay Sannad iyo Dheeraad Kadib Markii Somaliland la Wareegtay Maamulka Gobolka Sool?

Magaalada Laascaanood oo ah xarunta Gobolka Sool, ayaa waxa waqtigan ka jira duruufo qallafsan o oak dhashay sicir-barar baaxad leh oo saamayn weyn ku yeeshay nolosha bulshada, isla markaana muddadii ka dambaysay dagaalladii ka dhacay degaankaa ee lagaga xoog roonaaday malleeshiyadii Puntland oo hadda laga joogo muddo sannad iyo bilo ah ayaa magaaladaas waxa ka muuqda isbeddello dhinacyo badan oo laga dareemayo.

Haddaba, weriyaha Jamhuuriya ee Gobollada Bariga Somaliland Mr.Kayse Axmed Digaale,ayaa dhowaan waxa uu booqday magaalada Laascaanood oo xilligaas ay ka socotay hawshii diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxaannu ka diyaariyey warbixintan oo uu ku eegayo isbeddellada ku soo kordhay muddada sannado bilo ah oo ay gacanta ugu jirtay Somaliland.

“Badhmitii bishii October ee 2007-kii ayey ahayd markii aan booqday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo xaaladeedu xilligaas ahayd mid aad u kacsan, kadib markii ciidammada Qaranka Somaliland ay dagaalka kaga adkaadeen malleeshiyoonka Maamul-goboleedka Puntland oo waqtigaa ka hor gacanta ku hayay maamulka magaaladaas.

Waxay ahayd goob ay ka muuqdeen raadadkii dagaallo culus oo duleedka magaaladaas ku dhexmaray ciidammada Somaliland iyo kuwa Puntland, goobaha ganacsiga iyo meheradaha intooda badni way xidhnaayeen, mana jirin wax gaadiid iyo dad ah dhexmarayey, marka laga reebo kooxo iyo dhallinyaro gadoodsan ah oo waddooyinka qaarkood taayiro ku xidhayey si aan loo marin. Waxa kale oo jidadka kolba dhinac isu waydaaranayay gaadiidka qoryuhu ku rakiban yihiin ee ciidammada qaranka Somaliland.

Waxa dadweynaha ku dhaqan Laascaanood xilligaas ka muuqatay cabsi badan oo ay ka qabeen in dagaalku sii socdo oo markale laysku dul qabsado, waxaana la dareemayay shacbi badan oo ka sii qaxayey magaalada, gebi ahaanna way ka huleeleen ciidammadii iyo maamulka Puntland ka joogay halkaas.

Shacbiga reer Laascaanood waxay u kala qaybsanaayeen kuwo taageersan maamulka Somaliland ee la wareegay iyo kuwo ka soo horjeeda oo raacsan maamulkii Puntland ee meesha laga saaray. Ma jirin adeegyadii bulshada oo dhammaantood way xidhnaayeen, waxaana ka taagneyd sansaan colaadeed oo taageerayaasha Maamul-goboleedka Garoowe naawilayeen in ciidanka Puntland soo rogaal celin doono.

Haseyeeshee, muuqaalka hadda ka jiraa Laascaanood waa mid ka duwan kii xilligaas, waxaanad ku arkaysaa gudaha magaalada dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo gaadiidka tirada badan ee dhex mushaaxayey gudaha iyo daafaheeda; waxa ka socotay hawshii diiwaangalinta codbixiyeyaasha, waxaanay dadweynuhu safaf dhaadheer ugu jireen 26 goob-diiwaangelineed oo gudaha magaalada loo qoondeeyey, si ay u qaataan kaadhadhka codbixinta iyo aqoonsiga muwaadinka.

Weftiyada ay hoggaminayeen guddoomiyaasha xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadda, ayaa ahaa miisankii ugu cuslaa ee madaxda Somaliland ku tagaan Gobolka Sool. Waxa dib-u-dhis iyo dayactir lagu sameeyay goobaha adeegyada bulshada, waxana si caadi ah u shaqaynaya saldhigyada booliska, xabsiga, goobaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Mid ka mid dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood oo cabbirayey dareenkiisa ku wajahan isbeddellada ku soo kordhay magaaladooda muddada sannad iyo dhawrka bilood ah ee maamulka Somaliland ka jiray, ayaa yidhi; “Waxa ugu weyn ee aan tilmaami karo waa dhinaca ammaanka oo aad u wanaagsan, waayo muddadaa hore magaalada Laascaanood waxa habeen walba ka dhici jiray dilal, cabsi badanina way ka jirtay, haddase waxaan odhan karaa waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu amniga fiican dalka.”

Inkastoo waqtigaa magaalada Laascaanood la ciirciiraysay gaadiidka iyo hawlwadeenada diiwaangalinta, weftiyada kala duwan ee ka socda xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadda, balse waxa aad looga dareemayaa sicir-bararka ay keentay lacag Soomaaliga kun-kunka ah ee lagu sameeyo degaannada Puntland, taasoo saameyn weyn ku yeelatay dhaqaalaha bulshada reer Laascaanood.

“Waxay qabaan toddoba boqol iyo koton kun oo shillin, iyagoo shan qof ah.” Sidaa waxa ku dhawaaqay mudalabkii ka shaqaynayay huteelka aannu ka qadaynay, kadibna aniga iyo saraakiisha xarunta Akademiga Nabadda ee Gobolka Togdheer oo aanu wada soconay ayaa dhegaha taagnay; inta aannu is-eegnay oo yaabnay ayaannu ninkii maqalka hayay waydiinay, waar shan qado wax ka badan miyaanu qabanaa, kadibna intuu dhoollacaddeeyay ayuu yidhi, “Maya, waxaanu ku celinay bal dollar noogu sheeg? Waxaannu ku jawaabay, “Halkii qado waxay dollar ku noqonaysaa $4, markaa waxaad bixisaan $20 dollar.”

Arrintani waxay muujinaysaa sicir-bararka ka jira magaalada Laascaanood, waxana boqolkii dollar sarrifkiisu marayaa 3,200,000-kun Sh.So, balse waxaad moodaa in shacbigu la qabsadeen sicir-bararkaas.

Sidoo kale calamada saddexda xisbi qaran ayaa ka muuqday xafiisyada ay ku leeyihiin Laascaanood, taasoo muujinaysa taageerada axsaabta qaranku ee ka jirta gobolkaas.

Hadal-haynta kale ee ka taagnayd magaalada Laascaanood waxay ahayd guryo-noqoshada Cabdillaahi Yuusuf ee dhinaca Puntland, “Ina Yuusuf Yey markii uu la shirayay isimada iyo waxgaradkiisii waxa uu ku yidhi, “Aniga igamay soo adkaan oo kama soo cararin Hawiye iyo May-mayee shan oo Dhulbahante ah ayaa isoo jebiyay ee ogaada.” Sidaas waxa ku tiraabay mid ka mid ah waxgaradka reer Laascaanood, isagoo arrintaas sii faahfaahinayeyna waxa uu intaa raaciyay, “Hadalladaas waxa uu uga jeeday Cabdillaahi Yuusuf in la laayo siyaasiyiinta reer Sool ee jooga Puntlan, colaadda Cabdillaahina waa mid ku soo jeeda maqan Sool.”

Goobaha kale ee dadweynuhu ku kulmo waxa si weyn looga hadal-hayay hawsha diwaangalinta ee ka socota iyo kaadhadhka laga qaadanayo siday u arkaan oday weyn oo waayeel ah, ayaa isagoo argatidiisa ku wajahan diiwaangalinta ka hadlaya waxa uu yidhi; “Waar ma maqasheen in dadkii u socday dhinaca Itoobiya, markii ay yidhaahdeen waxaannu ka nimi Somaliland waxa Itoobiyaankii weydiiyay tusa aqoonsigiinii ee ay la soo baxeen kaadhkii muwaadininimada, markiiba waa la sii daayay, kuwii aan haysana way soo celiyeen ee reer Laascaanoodow isdiiwaangaliya.”

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha reer Laascaanood ayaa waxa ka muuqatay inay ahaayeen kuwa u soo jeeda wax la qabsashada dadka Somaliland, inkastoo ay jiraan tabashooyin yaryar oo dhinaca dawladda ah, una baahan in la dhammeeyo, waxase muuqata in wax badani iska beddeleen afkaarihii ay hore u aaminsanaayeen, isla markaana rajo badan oo taageerayaasha dhinaca Puntland eegayeen ay soo gudhay, inkastoo dadka qaarkood naawilayeen in doorashada Puntland saameyn ku yeelanto degaanka Gobolka Sool haddii maamul cusub ku guulaysto.

Gunaanadkii qormadan waxa la odhan karaa hadda waa saaxiibo aad iskugu dhow ciidanka qaranka Somalilnad iyo shacbiga degaanka Sool oo wakhtiyadii la soo dhaafay iskugu muuqday cadawgooda, dhinacba dhinaca kale iska eegayey.”



Jamhuuriya Online

Printable version     Email this to a friend




 

Ra'yi / Opinions
Madaxweyne; Waxaad Dhistay Xukuumad ka Kooban QARAN iyo Qurba-joog
28/07/2010 -
Aragtida Beesha Toljecle ee Golaha Wasiirada Madaxweyne Siilaanyo soo Dhisay
28/07/2010 -
Beesha Bariga Sanaag oo Hambalyeysay Xukuukada Cusub ee Axmed Siilaanyo
28/07/2010 -
Goormaa Kuugu Dambeysay A.A Geeljire iyo Maqaalkiisi Daljire?
28/07/2010 -
Tallo Bixin ku Socota Dawlada Cusub
28/07/2010 -
Ogaysiis: Xaflada London ee xuska doorashooyinkii ka dhacay JSL 26-kii June
28/07/2010 -
Waddada Hormarta Madaxtoooyada oo Markii ugu Horreysay Loo Sameeyey Laambado Laydh, Lagana Asturay Bilic Xumo ku Xeernayd
28/07/2010 -
Warqad Furan: Waxay Indho Arkan Bay Ilko Gooyaan!
28/07/2010 - Faysal Ismaciil Barre (Toosh), Hargeysa.
Bayaankii Tolka ee Gatineau
28/07/2010 -
Yaan la Dayicin Doorka Dumarku ku Leeyihiin Dawladda Cusub
28/07/2010 -
Madaxweyne; Waa Wakhtigii Shacabka Dayaxa la Geyn Lahaa!
28/07/2010 -
Murashaxii (Kulmiye)ee loo codeyey oo u codeeyey Murashaxii (UDUB)
28/07/2010 -
 
 
 

 

Jamhuuriya Online Edition - All rights reserved © 2002