| Loollanka Loogu Jiro Jagada Xoghayaha Guud ee UDUB iyo Ragga ugu Fadallada Cad
Hargeysa (Jam)- Loollan adag oo loogu jiro buuxinta jagada xoghayaha guud xisbul-xaakimka talada haya ee UDUB, ayaa si weyn looga dhex dareemayaa xisbigaas, kadib markii si lama filaan ah Khamiistii la soo dhaafay u geeriyooday Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale oo xilkaa hayey.
Ma jiro war rasmi ah oo hoggaanka UDUB ilaa hadda ka soo saareen cidda loo qoondeeyey in ay buuxiso jagada xoghayaha guud, balse siday xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan oo ku dhowdhow xisbul-xaakimka, waxa jira loollan iyo kala riixasho kulul oo durba ka dhex bilaabmay xisbiga dhexdiisa, iyada oo ay jiraan murrashaxiin ku dhawaaqay damacooda ku wajahan hanashada jagadaas, kuwaasoo haddaba ololahoodii bilaabay.
Waxa kale oo ilahaasi tibaaxeen in ay jiraan xubno ka mid ah qurbo-joogga xisbiga iyo kuwo isku hayb yihiin Marxuum Bullaale ay soo bandhigeen damacooda la xidhiidha qabashada xilkaas, iyadoo raga ugu fadallada cadcad ee loo filayo buuxinta jagada xohayaha guud ee UDUB uu ka mid yahay Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi), kaasoo la sheegay inuu xisbiga gudihiisa ka bilaabay olole xooggan oo uu ku doonayo hanashada xilka xoghayihii ka geeriyooday.
Inkasta oo aan la cayimin waqtiga rasmiga ah ee lagu dhawaaqayo magacaabista xoghayaha beddelaya marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale, balse haddana waxa la filayaa in toddobaadyada soo socda la shaacin doono cidda buuxinaysa jagadaas, iyada oo sida xeerka UDUB dhigayo uu guddoomiyaha xisbiga oo ah Mdaxweyne Rayaale wareegto ku soo magacaabayo Xoghayaha, kadibna ay ansixiniyaan guddida fulinta xisbigu.
|