WARGEYSKA JAMHUURIYA - MAALINLE KA SOO BAXA HARGEISA, SOMALILAND
Home

Somaliland

Geeska Afrika

Caalamka

Ciyaaraha

Dhaqaalaha

Waxbarashada

Faallo

Opinion and Articles

Interviews

Faanka iyo Suugaanta

Ogeysiis

Hambalyo

Tacsi

The Republican

Advertisement

Contact Us

Doorashada Wakiilada

 

Boqolaal Dhallinyaro Soomaali ah oo Lagu Xidhxidhay Addis Ababa

Addis Ababa (Jam/W.Wararka)– Ciidammada sirdoonka Itoobiya ayaa magaalada Addis-ababa ka qabqabtay dhalinyaro fara bada oo ka mid ah Soomaalida dalkaas u baqoolay si ay baahidooda uga soo fushadaan

Waxaana ilaa hadda guryahooda lagala baxay dhallinyaro Soomaali ah oo gaadhaya 700 qof, iyadoo Soomaalida ku nool magaalada Addis Ababa ay soo foodsaartay cabsi iyo welwel aad u ballaadhan oo la xidhiidha in dawladda Itoobiya xabsiyada ku gurto.

Ilaa hadda lama oga sababta keentay xadhigga dhallinyarada Soomaalida, balse sida wararku sheegayaan waxa jira in ciidammada Sirdoonka Ethiopia ay heleen xog sheegaysa in la maleegayo weeraro isqarxin ah, waxana sarkaal u hadlay Sirdoonku sheegay inay fulin doonaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo soo galay Ethiopia, iyadoo ay dhacday in xaafadaha Soomaalidu ku badan yihiin lagu sii daayey askar fara badan oo inta ay guryaha garaacaan, kadibna xabsiyada u taxaaba wixii dhallinyaro ah ee arkaan, arrintaas oo fajac ku reebtay qoysaska Soomaalida ah ee muddada ku dhaqnaa Itoobiya.

Ciidammada dadka qabqabanaya ayaa lagu sheegay in ay yihiin kuwa dawladda Fedaraalka Itoobiya oo ka dhar duwan askartii hore loogu arki jiray caasimadda.

Dhallinyarada Somaliland iyo kuwa kale ee Soomaaliya ayaa badanaa u Addis Ababa oo lagu tilmaamo magaalada ugu fiican ee Soomaalida lagu tixgaliyo, iyadoo dadweynaha iyo dawladda Itoobiya ay Soomaalida qaxootiga u fidiyeen marti-soorkii ugu wanaagsanaa oo loo sameeyo dadka waddamada deriska ah, isla markaana dadka Soomaalidu dareemi jireen inay joogaan waddankooda labaad, laakiin arrinta qabqabashada iyo guri isugu soo galidda habeenkii la miranayo dhallinyarada Soomaalida ayaa laga yaabaa in wax weyn u dhinto wanaaggii iyo abaalka ay u hayaan Soomaalida qaxootiga ah dawladda iyo shacabka Itoobiya.



Jamhuuriya Online

Printable version     Email this to a friend




 

Ra'yi / Opinions
Book Launch – Adduun iyo Taladii – A Collection of Essays about Citizenship by Rashid Sheikh Abdillahi
07/09/2010 -
WAR-SAXAAFADEED
07/09/2010 - Ibrahim Ducaale Saleebaan (Tallaabo)
Two roads, similar history – Awdal Road and Fairfax Country Road
07/09/2010 -
FAHAMKA ZAKATUL FIDRIGA.
07/09/2010 -
Culaysyada Qabiilaysan ee ku Gedaaman Madaxwayne Siilaanyo
07/09/2010 - Qalinkii Eng. Maxamed Xuseen
GAR-SUGOW MA TIHID GARSOORE!
07/09/2010 - Maxamad Cabdi Daauud/
Taariikh Nolaleedkii Taliyihii Hore Ciidaanka Booliska Somaliland Ala hawnaxariistee ( Maxamed Cige)
07/09/2010 -
Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha ee Bannaan (ULPA) oo Madaxweynaha ku Hambalyeeyey Maxjarka Cusub
07/09/2010 -
Hambalyo Meher
07/09/2010 -
Hambalyo
07/09/2010 -
Musuqmaasuq Hadheeyey Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo
07/09/2010 - Axmed Maxamed Axmed, Hargeysa.
Tacsi Cabdilaahi Askar
07/09/2010 -
 
 
 

 

Jamhuuriya Online Edition - All rights reserved © 2002